“Saado Cali Warsame meel kasta ayey WANTED ka ahayd” sidaas waxaa tiri…

Minneapolis (Caasimada Online) – Magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota waxaa habeenkii xaley lagu qabtay kulan baroor-diiq ah oo loo sameeyay fannaanadii weyneed Saado Cali Warsame oo Arbacadii lagu toogtay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen fannaaniin caan iyo dadweyne fara badan ayaa ku tilmaamay marxuumada geesiyad wadaniyad ah oo u hurtay nafteeda dalkeeda.

Hibo Maxamed Cudoon oo ay isla soo shaqeeyeen isla markaana ay kuwada noolaayeen magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa ku tilmaamtay Saado Cali qof qiimo weyn ku dhex leh Soomaalida meel kasta oo ay ku nool yihiin.

Waxay sheegtay iyagoo yer-yer in ay is-barteen waxaana ay ku sifeesay qof qaali ah oo qaranka ka baxay.

Hibo Nuura ayaa sheegtay in habeen hore ay tageen gurigii ay ku noolaayeen seddax carruur oo ay ka tagtay marxuumada waxaana ay sheegeen in ay aad uga niyad xumaayeen markii ay maqleen dilka hooyadeed.

Waxay sheegtay in Hibo la tabi doono dilkeeda uu xanuun ku yahay Soomaalida meel kasta oo ay deggan tahay.

Cadar Kaahin oo iyana ka mid ahayd fannaaniinta ay sida weyn u soo shaqeeyeen ayaa sheegtay in Saado Cali Warame ay ahayd qof geesiyad ah oo aan hadalka la baqin, waxaana ay xustay in ay ahayd qof la doon-doonaayo ama Wanted ah.

“Saado Cali Warsame meel kasta ayey wanted ka ahayd, waana wax iska cad, waxaana loo dilay wadaniyada ay ahayd oo labo jeer ayaa kacaankii ay xireen markii ay runta u sheegtay” ayey tiri Cadar Kaahin.

Shariif Jeeg waa majaajileeste caan ah oo ay soo wadashaqeeyeen Saado Cali Warsame wuxuu sheegay in Saado Cali Warsame ay u dhimmatay wixii ay aaminsaneed oo ahayd wadaniyadnimo iyo ay jecleed dalkeeda.

Wuxuu sheegay in 15-maalin ka hor ay isugu dambeeyeen iyadoo markaas ku tiri waxaan rabaa in aan u shaqeeyo dalkeyga.

Siddaas si la mid dhammaan dadkii ka soo qeybgalay xuska baroor-diiqda ee loo sameeyay Saado Cali Warsame ayaa isla qiray in ay ahayd marxuumada qof jecel dalkeeda iyo dadkeeda.

Saado Cali Warsameoo fanka soo gashay 1973 ilaa 1974-tii ayaa waxay ahayd fannaanad caan ka ah dhulka Soomaalida ay degto, ka sakow in ay fannaan ahayd waxay ahayd siyaasi oo xildhibaan baarlamaanka ka tirsan ayey ahayd labadii sanno ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com