Xog: Hubka iyo qalabka booliska DFS oo loo raray Garowe (Yaa sameeyey?)

Muqdisho (Caasimada Online)– Ilo diplumaasiyiin ka tirsan Xukuumada Somalia oo u xog waramaayay Shabakadani, ayaa daboolka ka qaaday in Taliyihii hore ee Booliska Soomaaliyeed  Jen. C/xakiin Dahir Saacid uu hantida Qaranka si xatooyo ah ugu gudbiyay Madaxtooyada garoowe.

Ilo diplumaasiyeedka ayaa xaqiijiyay in C/xakiin Dahir Saacid uu Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas kula heshiiyay in qalabka Ciidanka gaar ahaan Jaakadaha rasaasta celiya iyo qoryo cusub uu Maamulka u soo gacan galiyo, iyagoona ku wada heshiiyay in C/xakiin Dahir Saacid lasiin doono xil iyo hanti uu ku badalanaayo Hubkaasi laga indha sarcaadiyay Dowlada Federaalka Somalia.

C/xakiin Dahir Saacid oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay ayaa waxaa la sheegayaa inuu is daba mariyay qalab ay kamid ahaayen Qoryo, Jaakado iyo dharka Ciidamada Boliska, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in qalabkaasi qaar uu ka iibiyay ganacsatada Hubka iyo qalabka ciidanka ku iibiyo Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isulwasaaraha Somalia ayaa waxaa horay dhowr jeer lagula taliyay inay il gaar ah ku eegan C/xakiin Dahir Saacid, balse ay iska indha tireen taasina ay dhalisay inuu qalabka Ciidanka DFS u safriyo Puntland, halka qaarna uu ka iibsaday Ganacsatada.

Dhanka kale, C/xakiin Dahir Saacid, ayan maqaasiinka lagu xareeyo Hubka iyo qalabka ciidanka uga tagin wax Hanti Dowladeed ah, waxaana la tilmaamayaa in gabi ahaan Hantidaasi uu ku shubay Madaxtooyada Garoowe, iyadoona qandaraaska lagu raray qalabkaasi ay qaateen  Ganacsato iyagu u kala gooshta Muqdisho illaa gobolada Dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com