Xog: Xildhibaanada BF oo billaabay in ay isaga baxaan magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in xildhibaanno fara badan ay dalka isaga carareen Kaddib markii ay kordheen dilka loo geesanaayo.

Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo ah guddoomiye ku-xigeenka xuquuqda aadana ee baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanno fara badan ay dalka ka tageen bishan Ramadaan oo kaliya.

Wuxuu sheegay guddiyada ammaanka iyo gaashandhigga baarlamaanka ay shireen iyagoona go’aan ka soo saaray dilalka joogtada ah ee lagu hayo xubnaha baarlamaanka.

Wuxuu sheegay oo kale Muuse Sheekh Cumar in marnaba aan loo dul qaadan doonin dilalka lagu hayo xoldhibaannada, isagoona eed u jeediyay xukuumadda oo yiri waa ay ka gaabisay ammaanka caasimada waana lagula xisaabtami doonaa.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in amniga magaalada uu noqday mid faraha ka baxay oo wixii la rabo ay ka geestaan magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho bishan Ramadaan waxaa lagu dilay labo xildhibaan, waxaana ugu dambeesay Saado Cali Warsame oo maalin ka hor lagu dilay iyada iyo darwalkeeda mid ka mid ah halboolayaasha waddooyinka Muqdisho.

Ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay dilalka xildhibaannada baarlamaanka oo sannadkan kaliya afar mudane la dilay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com