Socdaalka Jawaari ee dalka Norway iyo shriqoolka badda SOOMAALIYA (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ku sugan Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu maalmaha soo socdo ku wajahan yahay dalka Norway.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa la sheegayaa in Ujeedka uu dalkaasi u aadayo ay tahay in Madaxda dalkaasi uu kala soo hadlo Arrimaha Badda Somalia, gaar ahaan xadeynta bada iyo ka warqabka.

Caasimada Online horey ayay u shaacisay damaca Norway ee ku aaddan badda Somalia. Halkan ka aqriso

Sidoo kale, Arrintaasi ayaa waxaa inoo xaqiijiyay Ex xildhibaan Saleeban Maxamed Ibraahim oo ka tirsan Siyaasiyiinta Soomaalida, waxa uuna inoo xaqiijiyay in Jawaari uu Dowlada Norwy kala soo hadlayo Arrinta Badda Somalia, waxa uuna Siyaasigaasi tilmaamay in Prof Jawaari uu qeyb buuxda ka yahay xusul-duubka loogu jiro iibsashada Badda Somalia.

Waxaa xusid mudan in Jawaari uu muddo ku noolaa Norway inta uusan noqon afhayeenka baarlamanka.

“’Sida ay u iibsanayaan Badda ayaa iyagana Siyaasada loola ganbinaayaa, wan la socnaa in Jawaari dhawaan uu u aadayo Norway, si uu dalkaasi kala soo hadlo qaabka ugu sahlan oo ay kusoo afjari lahaayen damaca Norway ee badda Somalia’’ ayuu yiri.

Qorshaha Norway, ayaa ah inay shidaal ku qoddo qeybo ka mid ah badda Somalia, ayada oo u sharciyeyneysa Kenya, si ay Kenya ula macaamisho, maadaama aysan dowlad adag ka jirin Somalia.

Saleeban Maxamed Ibraahim, waxa uu sidoo kale, tilmaamay in Madaxda Dowlada aysan aheyn kuwo ka caagan iibsashada badda, waxa uuna farta ku goday in Socdaalka Jawaari ee Norway uu yahay mid lagu soo afmeerayo qorshaha Norway, wuxuuna Xildhibaanada Baarlamaanka uga digay inay ka seexdaan Arrinta badda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada:live.com