XOG: Siyaasigii iibsaday badda Somalia oo noqday la-taliyaha XASAN SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu La-taliyaashiisa kusoo biiriyay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo ahaa shaqsigii bilaabay iibsashada Badda Somalia.

Xasan Sheekh oo isagu maalmahaani lagu eedeynaayay inuu saxiixay in qeyb ka tirsan Badda Somalia lagala doodi karo Dowlada Kenya, ayaa waxa ay tani sii abuureysaa shaki hor leh.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay wehliyaan Cumar Cabdirashiid, Ibbi iyo Shariif Xasan, ayaa ah dadkii billaabay muranka badda Somalia, kadib heshiis ay la galeen Kenya.

Madaxweyne Xassan ayaa isagu qarinaayo in lasoo shaac bixiyo La-taliyihiisa dhanka badda iyo amuurada Dowladaha dariska la ah Somalia, waxa uuna taasi u sababeynayaa inuu kacdoono kala kulmo dhanka Shacabka iyo Siyaasiyiinta Dowlada ee iyagu aan sidaa usii jecleen Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhanka kale, La-taliyahaani cusub, waxa uu imaanayaa xilli Xassan Sheekh uu mudooyinkaani isbedelo ku sameynaayay la-taliyayaashiisa, waxa uuna ka dhigtay shaqsiyaad aan laga jecleen Dalka kuwaasi oo dambiyo Siyaasadeed ka galay Dalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa ka tirsan kooxda Al-Islaax, oo ah kooxdii ay Damul-Jadiid kasoo farcantay

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com