DHAGEYSO: General shaaca ka qaaday arrin Mareykanka uu u sameynayo DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarsho) ayaa sheegay in ciidamo dhan 570 oo ah guutada kumaandowsta ee Danab ay Dawladda Maraykanku u tababarayso Soomaaliya sannadkan.

Waxa uu sheegay in durba la tababaray unuggii ugu horreeyey oo dhan 150 Askari, tababarka unugga labaadna haatan socdo, islamarkaana la filay in uu soo gebo geboobo.

Waraysi gaar ah oo uu siiyey VOA, ayuu sidoo kale taliyaha uga hadlay waxa ay qaban doonaan ciidamadan gaarka ah, marka tababarkooda uusoo dhammaado.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com