Maamulka Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay Mashruuc dib u dajin loogu sameenayo Barakacayaasha ku nool Magaalada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta daah furay Mashruuc dib u dajin loogu sameenayo Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho.

Guud ahaan Midowga Yurub 50 milyan ayaa loogu deeqay mashruuca Dib udhiska iyo Xal u helida dadka kubarakacay gudaha dalka

Mashruucaan oo ku kacaya 12,000 oo Euro oo ay ku deeqeen Midowga Yurub ayaa waxaa iska kaashanaya Maamulka Gobolka Benaadir iyo Midowga Yurub, waxaana dhawaan Mashruucaan laga fulinayaa Magaalada Muqdisho.

Mudane Thaabit Cadbi Duqa muqdisho ayaa sheegay in maamulka Gobolka Benaadir dadaal badan ku bixiyay qorshan hadan lagaaray xiligii wax laga qab lahaa Dhibaatooyinka heesta barakacaayasha Magaalda.

Baaritaano ay Sameyeen Hey,ado maxali ah iyo dowlada Somaaliya ayaa logu ogaaday baahiyaha ay qabaan dadka soobarakacay

mashuuca maalgilinta wuxuu u badnaan doonaa waxbarida Carruurta Barakacayaasha, awoodsinta dumarka aan hadli karin iyo in shaqooyin loo abuuro dadka lixaadkoodu aan dhameystirneen

Wakiilo kasocday Hey,adaha UNDP iyo Hey,add u qabilsan UN Xaaladaha Dagdaga ah ayaa ka waramay Qaabka loo hirgilin doona Mashruuca Maalgilinta

Duqa Muqdisho waxa uushegay in Caasimadda Soomaliya dhawan ay lamid noqon doonto dhanka Bilicda Caasimadaha Caalamka, wuxuuna u mahadceliyay Midowga yurub iyo Hey,adaha Gargaarka ee QM.