Maamulka Gobolka Banaadir oo shaqada ka joojiyey 21 qof oo u badan hal beel

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogatay in Maamulka Gobalka Banaadir uu shaqo joojin ku sameeyay 21 qof oo ka tirsanaa Shaqaalaha Gobalka Banaadir, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay shaqa ka ceyrintan. 

Mas‘uuliyiinta shaqada laga joojiyay ayaa isugu jira la-taliyeyaal, agaasimyaal, ku xigeenno iyo madax qeybeedyo, kuwaasoo ugu dambeyn loo diiday in ay galaan xarunta gobalka Banaadir, iyadoo sidoo kale ay waayeen masuul uga jawaaba cabashooyinka ay qabaan ee ah shaqo ka ceyrinta.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in dadka shaqada laga ceyriyay loo beegsaday in ay ka aragti duwanyihiin maamulka Madaxweyne Farmaajo, halka qaarkood loo beegsaday in lagu cadaadiyo dadkii keenay oo mucaarad ku noqday dowladda Soomaaliya. 

Badanaa dadka shaqada laga ceyriyay ayaa waxaa keenay Axmed Iimaan iyo Ibraahim Dheere oo laba guddoomiye ku-xigeen oo dhinaca maaliyada ah ka soo noqday gobalka Banaadir, islamarkaana hadda la shaqeeyaa Xasan Cali Kheyre oo ay qaraabo yihiin. 

Sidoo kale waxaa qeyb kale oo dadkaas kamid ah shaqaaleysiiyay Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Senator Dhageey iyo Mustaf Dhuxulow, kuwaasoo hadda la sheegay in ay mucaarad ku yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya. 

Sidoo kale waxaa liiska shaqo ka joojinta laga reebay dhowr qof uu keenay Xildhibaan Mahad Salaad, kadib markii uu damiintay Cali Yare Cali oo ay isku beel yihiin.

Go’aanka shaqa ka ceyrinta dadkaan ayaa waxaa iska kaashaday Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo labadiisa ku xigeen ee ammaanka iyo maaliyadda, iyo xubno ka tirsan Villa Somalia.