R/Wasaare Rooble oo codsi u gudbiyey dowladda Turkiga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Xukuumadda xirgaarsiinta ah ee Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa kulan la qaatay Safiirka dalka Turkiga u joogo Muqdisho Mehmet Yılmaz.

Rooble iyo Mehmet Yılmaz ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kalana waxay si qoto dheer uga wada hadleyn doorashada la filayo inuu Rooble u jiheeyo Soomaaliya kadib markii Farmaajo uu ku wareejiyey Mus’uuliyadda Doorashada iyo Amnigeeda.

Turkiga ayuu ka ka dalbaday in dowladda Turkiga ay kaalin wanaagsan ka qaadato Arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya sidoo kalana ay ka caawiso qorshaha doorashada ee uu Rooble rabo inuu ka hirgeliyo Soomaaliya.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa u ballan qaaday Ra’isulwasaare Rooble in Dowladda Turkiga ay garab ku siin doonto sidii uu ugu guuleysan lahaa howsha culus ee hor taalo oo ah inuu isku soo dhaweeyo Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Farmaajo isla markaasna uu dalka ka qabto doorasho.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya iyaga oo ka caawiya dhinaca tababarada ciidamada iyo dib u dhiska intaba, waxayna dhawaan Midowga Musharixiinta ku eedeyn Turkiga in ciidamadii ay tababartay iyo gaadiidkii dagaalka oo ay ugu deeqday Soomaaliya loo adeegsaday caburinta siyaasiyiinta kasoo horjeedo Dowladda.

Tan iyo wixii ka danbeeyay Rooble markii lagu wareejiyay maamulka doorashada, wuxuu kulamo kala duwan la qaatay wakiilada Beesha Caalamka si ay uga gacan siiyaan dadaalada loogu jiro qabashada doorasho ku dhacdo is ogol iyo hufnaan.

Beesha Caalamka ayaa Ra’isulwasaare Rooble u ballan qaaday inay kala shaqeyn doonto fududeynta kulanka uu isugu yeeray madaxda Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya kadib kulan uu kula yeeshay Afisyooni.