Wararkii ugu dambeeyey ka bixitaanka MUQDISHO ee ciidanka Badbaado + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamadii kasoo hor jeeday muddo kordhintii loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee magac baxay Badbaado Qaran ayaa la filayaa in maanta guud ahaan laga saaro dhufeysyadii ay ka sameysteen magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ciidamada oo shalay billaabay inay ka baxaan waddooyinka qaar ayaa la filayaa inay maanta soo geba-gebeeyaan ka bixitaanka magaalada oo gebi ahaan laga wada saaro.

Ciidamada ayaa la filayaa in dib loogu celiyo xeryahooda iyo difaacyada hore ee lagala dagaalamo kooxda Al-Shabaab oo ay horey uga soo baxeyn kadib markii shalay Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Roobe uu booqday goobaha fariisinka u ahaa ciidamadaan.

Afhayeenka ciidamada la magac baxay Badbaado Qaran Gaashaanle Diini Rooble Axmed ayaa idaacadda VOA u sheegay in dhammaan waddooyinka Muqdisho laga qaaday dhufeysyadii carada ahaa oo ay ka sameysteen, waxaana Magaalada Muqdisho laga dareemayaa dhaqdhaqaaq magaalada looga saarayo ciidamadii militariga ahaa ee soo galay.

Ciidamada diidanaa Muddo kordhinta ayaa guud ahaan waxaa la isugu geeyey waqooyiga Muqdisho halkaas oo ay dhuulatus Militari ku sameeyeen, waxaana la filayaa inay kasii aadaan meelihii ay markii hore ka yimaadeen.

Shalay ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu kormeeray furista waddooyinkii ku xirmay isku hor imaadyadii u dhaxeeyay Ciidankii ka soo horjeeday muddo kororsiga iyo ciidanka dowladda.

Goobaha dib loo furay ee difaacyada u yaalleen Ciidankii muddo kororsiga ka soo horjeeday ayaa kala ahaa Xaafadaha Siigaale, Barmuudo illaa aagga Mirinaayada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku wareejiyay goobaha la furay ee jidka Mirinaayada ciidanka Booliska, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska.

Rooble ayaa midowga Musharixiinta oo ay wehliyaan saraakiisha hoggaamineysay qorshihii looga hor yimid muddo kordhinta ayaa ku heshiiyey 10 qodob si ciidamada looga saaro Magaalada Muqdisho, waxaana fullinta heshiiskaas mas’uuliyadiisa qaatay Ra’isulwasaare Maxames Xuseen Rooble.