Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Somalia oo maanta ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, haatanna ahaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Geerida Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ayaa waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale qoraal kasoo baxay golaha shacabka ayaa lagu sheegay inuu geeriyooday xildhibaanka.

Qoraalka Golaha Shacabka ayaa lagu yiri “Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhammaan xillibaanada Golaha iyo guud ahaan shacbiga soomaaliyeed kaga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Oo Goor dhow ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Waxaana gaar ahaan uu ugu tacsiyeeyay ehelada iyo qoyska marxuum xildhibaanka.”

Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil wuxuu ahaa rugcadaa in badan qarankaan u soo shaqeeyay soona qabtay xilal kala duwan.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa soo noqday Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya xilligii xukuumaddii kumeel gaarka aheyd ee uu Ra’isul wasaare ka ahaa Cali Maxamed Geedi sanadkii 2004.

2015 ayaa waxaa sidoo kale xilka Wasiirka Gaadiidka u magacaabay Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale waxa uu soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Ruushka intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.