Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Banaadir oo garab ka helayo Hey’adda UNDP ayaa maanta mar labaad ku dhawaaqay inay bilaabeen wajiga labaad ee shaqaaleysiin dhallinyarada Gobolka Banaadir oo lagu doonayo in mar kale lagu shaqaaleysiiyo kun Dhallinyaro oo dheeri ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo xafladda furitaanka wajiga labaad ee shaqaaleysiinta dhallinyarada Gobolka banaadir ka hadlay ayaa sheegay inay middaan noqoneyso fursad labaad oo la siiyey Muqdishaawiga.
” Waxaan sidoo kale si wadajir ah ula daahfuray Hay’adda UNDP Wejiga 2aad ee shaqo abuurka 1,000 dheeri ah oo loogu talagalay dhalinyarada G/Benaadir” ayuu yiri Thaabit.
” Fursaddan waxaa ka faaiideysandoona Muqdishaawiyiinta; Gabdho, Wiilal iyo Dadka Baahiyaha gaarka qaba” ayuu sii raaciyey.
” Wejiga 1-aad iyo Wejiga 2-aad tirada guud waa 2,000 shaqo-abuur dhalinyarada G/Benaadir”
Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli maanta sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir uu faahfaahiyey ka bixiyey wajiga kowaad ee shaqaaleysiinta Gobolka Banaadir.
Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada: