Maamulka gobolka Banaadir oo tallaabo culus qaadaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo ay hareero taagnaayeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in la dhaqan-gelinayo go’aanada lagu xakameynayo cudurka Covid-19.

Cumar Fiish ayaa shaaca ka qaaday in haista cudurka ay kusii baaheyso dalka oo dhan, islamarkaana loo baahan yahay in la qaato talooyinka lagu xakameynayo Coronavirus.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale tilmaamay inay soo rogi doonaan ganaax culusu wixii ka dambeeyo 15-ka bishana March, si loo dhaqan-geliyo go’aannada dowladda.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qof kasta oo aan soo qaadan af-xirka laga qaadi doono tallaabo adag, isaga oo xusay inay muhiimaddu tahay bad-baadinta shacabka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto la dagaalanka Covid-19 oo mar labaad kusoo labo-kacleeyey Soomaaliya.

Si kastaba dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey usoo saartay xiyaarado lagu xakameynayo fidista Coronavirus, iyada oo mamnuucday isu imaatinada dadweynaha.