Xog: Shirkii DF iyo dowlad goboleedyada oo hab cusub u dhacaya iyo madax kusoo wajahan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka doorashooyinka dalka ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho, kaas oo ay gadaal ka riixayaan xubnaha beesha caalamka.

Shirkaan oo dhowr jeer oo hore baaqday ayaa haatan ku dhacaya dadaal ay beesha caalamku ugu jirto sidii dhinacyada isku haya doorashada dalka ay miiska wada-hadalka iskugu imaan lahaayeen, isla markaana loo dhameystiri lahaa heshiiskii 17-kii September 2020.

Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in toddobaadkan gudihiis ay Muqdisho soo gaari doonaan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo hadda ka maqan.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo markii hore si cad u diiday casuumaadii madaxweyne Farmaajo ayaa hadda la sheegayaa in maanta ama maalmaha xiga ay soo gaari doonaan Muqdisho, shirkuna uu ka dhici doono gudaha xarunta Xalane, oo iyagu ay dalbadeen in lagu qabto.

Si dhab ah weli looma oga cida sida rasmiga ah garwadeen uga noqoneysa shirkaan, maadaama maamullada Puntland iyo Jubbaland ay ku gacan seyreen shirar uu hore ugu baaqay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Beesha caalamka ayaa iyadu dadaal badan ku bixinaysa sidii ay iskugu keeni laheyd dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka.

Waxaa xusid mudan in horay ay u guul-dareysteen shirar ay iskugu keentay madaxda Soomaalida, mana cada natiijada kasoo bixi doonta shirkaan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in goobta shirka ay ka baxsanaan doonto Villa Somalia oo uu horay uga dhacay shirkii doorashada ee dowladda federaalka iyo maamulada dalka, maadama madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ka muujiyeen shaki la xiriira ammaanka.

Waxaa weli xaalad cakiran ku jirta Soomaaliya, gaar ahaan caasimada dalka oo ay ku hirdamayaan dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka, ayada oo muddooyinkii dambe laga deyrinayay xaalada ammaan ee caasimada, kadib iska hor-imaad dhamaadka bishii hore dhex-maray dowladda iyo mucaaradka.