Maxay ku dhisan tahay dooda Somalia ee dacwadda ICJ?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah xubnaha gudiga Soomaaliya u qaabilsan dacwadda badda ee kala dhexeysa Kenya ee hortaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa ka hadlay kiiska biyaha lagu murasanyahay, xilli uu kusii jeeday magaalada Hague.

Dr. Suleymaan ayaa shaaca ka qaaday in dooda Soomaaliya ee dacwadda badda ay ku dhisan tahay xeerarka caalamiga ah ee Badaha, islamarkaana ay qabaan kalsooni weyn.

“Soomaaliya doodeeda oo la xiriirsan baddan waa dood adag, waxayna ku dhisan tahay, kuna saleysan tahay xeerarka caalamiga ah ee badaha oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo warbaahinta kula hadlay Aadan Cadde.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay rajo wanaagsan ka qabaan in Soomaaliya ay ku guuleysan doonto kiiskan, isaga oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay soo taageeraan, una soo duceeyaan inta ay socota dooda iyo dhageysiga dacwadda.

“Waxaan rajeyneynaa in Ilaahey SWT nagu guuleeyo, Ummmadda Soomaaliyeedna ay maqasho war farxad leh, maadaama ay horey dacwooyinkii horudhaca ahaa oo la xiriirsanaa is-hortaagyadii ay keentay dowladda Kenya lagaga soo guuleystay, waxaan rajeyneynaa in gaba-gabada aan guuleysano” ayuu markale sii raacioyey xeer ilaaliyaha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya ay si rasmi ah u bilaaban doonto 15-ka bishan March oo ku beegan Isniinta soo socota.