Farmaajo: Madaxweynihii ugu horreeyay ee culimada ay ugu baaqaan inuusan kursiga isku dhejin

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u soo diray baaq lagu badbaadinayo Soomaaliya oo lugaha la gashay xaalad aad u dag.

Sheekh Maxamed Cabdi Umul, Sheekh Maxamed Idiris, Sheekh Cusmaan Usuuli, Sheekh Cabdi Xayi iyo culimo kale ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay in uusan isku dhejin kursiga Madaxweynaha maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha.

“Kursiga ha isku dhejin, ka fuq, sabab ha u noqon dhiig dadaata iyo bur-bur,” ayuu mid kasta ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu dhamaaday muddo xileedkiisa islamarkaana aan wali qaban doorashada dalka.

Dhabar jab weyn ayey ku tahay Madaxweyne Farmaajo baaqa culimada Soomaaliyeed waxa uuna ku qasbanaan doonaa inuu badalo go’aankiisa iyo damaca kursi isku dhejinta.

Sheekh Umal oo ugu dambeeyeey ayaa Farmaajo ku yiri “Ninka kursiga ku dhagan waxaan leeyahay kuwaana qaado kuwii kaa horeeyay halkii ay mareen ee Muslim iyo Gaal, oo inbadan aad ogsoontahay, sabab ha u noqon kursiga aad isku dhejineyso darteed hal ruux oo Muslim ah dhiigiisa inuu daato.”

Taariikhda Soomaaliya burburkii kadib ma dhicin in Madaxweyne taladad dalka haaya ay culimo Soomaaliyeed ugu baaqaan in uusan isku dhejin kursiga maadaama uu dhamaaday muddo xileedkiisa.

Mucaaradka iyo sidoo kale maamul gobaleedyada Puntland iyo Jubaland ayey culimada Soomaaliyeed ugu baaqeen in aysan sabab u noqon dhibaato dalka ka dhacdo, xili ay jiraan daruufo aad u dag oo bini-aadinimo.