Wasiir ka tirsan DF Somalia oo laga helay COVID-19

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii hayaha wasiirka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa xaqiijiyay in laga helay caabuqa safmarka ah ee Caronavirus xilli uu kasoo muuqday shir jaraa’id oo ay dowladda maanta qabatay.

Sheekh Cumar wuxuu sheegay in 16 qofood oo ka mid ah 20 qof oo gurigiisa joogta laga helay xanuunka, balse ma uusan cararbaabin wakhtiga laga helay xanuunka walow uu sheegay inuu kasoo kabanayo.

Wasiirka oo sheegay iney xaaladiisa tahay mid wanaagsan ayaa yiri: Aniga waxaan kamid ahay dadka kasoo kabanaya xanuunka”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Cudurkaan aniga kaligey iguma dhicin. 20 qof oo gurigeyga joogta 16 kamid ah ayuu halmar soo ritay. Wasaaradda caafimaadka si gaar ah ayaan uga mahadcelinaynayaa gurmadka ay noo fidisay”

Sheekh Cumar wuxuu culumada Soomaaliyeed ka codsaday iney umadda alle u baryaan si xanuunka uga dulqaado, sidoo kale wuxuu bulshada ku booriyay iney taxadarka badiyaan oo ay ka fogaadaan waxyaabaha uu ku gudbi karo.

Marka la tixraaco warbixintii ugu dambeysay oo ay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ka tabiso xanuunka Covid-19 waxey sheegeysaa in tirada guud ee la diiwaangaliyay kiisaska ay tahay 8,321, geeridu tahay 302 qofood halka ay ka bogsoodeen 3,968.