29.2 C
Mogadishu
Monday, April 13, 2026

Puntland oo soo saartay digniin culus oo ku aadan…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online)-Maamulka Gobolka Bari ayaa amar kusoo rogay dadka deegaanka ee sida qarsoodiga ah u isticmaala Hubka fudud.

Yuusuf Maxamed Waceys oo ah Gudoomiyaha Gobolka Bari, ayaa sheegay in maamulka uu go’aan cad ka qaadanaayo dadka deegaanka ee Hubka heysta.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in dadka heysta Hubka sharci darada ah ay qeyb ka noqon doonaan dadka geysta dilalka, waa haddii aanu Hubkaasi loo soo gacangalin maamulka.

”Waxaa jira dad farabadan oo Hub sharci darro ah ku dhex wata deegaanada Gobolka Bari, waxaan halkaani ka qirayaa in cidii lagu arko Hubka ay muteysan doonto xarig isla markaana lagu tiri doono waxa ka socda Gobolka Bari”

Yuusuf Maxamed Waceys, ayaa sheegay in iminka ay gacanta ku hayaan rag dambiilayaal ah oo Qoryaha kula dhex laafiyoonaya Magaalada.

Dhinaca kale, Yuusuf Maxamed Waceys waxa uu ku baaqay in Ragga heysta Hubka ay si dhaqsi ah isaga soo diiwaangalshaan maamulka Gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News