Maamulka gobolka Hiiraan oo shaaciyey inuu doorasho ku qabanayo Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga amniga ee gobolka Hiiraan ayaa maanta soo saaray amaro culus oo la xiriira amniga magaalada Beledweyne, oo ay shaaciyeen inay ka dhaceyso doorashada golaha shacabka Soomaaliya.

Guddiga oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Beledweyne ayaa isla qaatay in cidkasta oo lagu ogaado inay la macaamisho Al-Shabaab loo aqoonsan doono inay qeyb ka yihiin kooxdaas, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo adag.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi oo warbaahinta ka hor akhriyey go’aamada guddiga ka soo baxay ayaa sheegay in Ciidamada amniga ay amar ku qabaan inay tallaabo ku haboon ka qaadan cidii la arko ayada oo ku howlan qal-qal gelinta amniga.

Hoos ka aqriso go’aamada kasoo baxay guddiga

  • Ciddii lagu arko iyada oo gudaha magaaalada Beledweyne ku dhex-wadato qori iyo dhar caadi ah in laga qadi doono qoriga, sidoo kalena laga qaadi doono tallaaboi sharci ah iyo xarig.
  • Ciddii aada deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab, lana macaamisha kooxdaas loo aqoonsan doono, loolana dhaqmi doono sida Al-Shabaab.
  • Dhamaan Shirkadaha, Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Gudaha ee la macamiila Al-Shabaab in laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga.
  • Ciddii la arko ayada oo amniga qal-qal gelineysa in Ciidamada amniga ay amar ku qabaan inay tallaabo ku haboon ka qaadaan.
  • Dhamaan bulshada ku nool Gobolka Hiiraan gaar ahaan Beledweyne ayaa loogu baaqay inay Cidamada kala Shaqeeyaan sugida amnuga maadaama laguda gelayo howlaha doorashooyinka.

Go’aamadan ayaa kusoo aadaya xili ay dhowr jeer magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan soo galeen maleeshiyaad uu wato Jeneraal Xuud oo si weyn uga soo horjeeda maamulka HirShabeelle, ayada oo loo diyaar garoobayo qabashada doorashooyinka dalka.