Wararkii ugu dambeeyay ee dil toogasho oo ka dhacay magaalada Caabudwaaq

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray degmada Caabduwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in maanta degmadaas dil loogu geystay Nin kamid ahaa dadka deegaanka oo caan ka ahaa Caabudwaaq.

Ninka la dilay ayaa waxaa rasaas ku furay Nin kale oo ay is-af-dhaafeen, kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf xoogan, sida ay sheegen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in marxuumka lagu dhuftay dhowr xabadooda, kuwaasi oo sababay geeridiisa, waxaana lagu soo waramayaa in Ninka dilka geystay oo ka baxsaday goobta ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada booliska degmada Caabudwaaq, kadib howl-galo ay sameeyen.

Ciidamada ayaa xabsiga dhexe ee degmada Caabudwaaq ku xiray Ninka dilka geystay, waxaana billaabaneysa baarista kiiskaas, sida ay sheegen saraakiisha amaanka.

Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo kamid ah degmooyinka ugu amniga wanaagsan deegaannada maamulka Galmudug, ayaa haddana waxaa mararka qaar ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil.