Daalibaan oo bilawday baadi-goobka dadkii u shaqayn jiray ciidanka reer galbeedka

Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Daalibaan ayaa bilowday baadi-goobka dadkii u shaqeyn jiray ciidamada NATO iyo xukuumaddii hore ee Afgaanistaan sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kooxda Daalibaan ay guri kasta ka baadi goobeyso si ay gacanta ugu soo dhigaan dadka u shaqeyn jiray isbaheysigii weerarka ku qaaday Afgaanistaa.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in kooxdaan ay hanjabaad u direyso dhammaan dadkii laasoo shaqeyn jiray Dowladdii hore, waxayna Qaramada Midoobay sheegtay in arrintaan ay tahay mid halis ku ah dhammaan dadkii lasoo shaqeeyey xukuumaddii hore.

Kooxda Daalibaan ayaa isku dayeyso inay dadka Afgaanistaan ku qanciso inaysan jirin cid ay ka aargudaneyso, waxayna soo direyn farriimo kala duwan tan iyo markii ay gacanta ku dhigeyn Caasimadda Kabul.

Laakiin waxaa jira cabsi laga qabo in Taalibaan ay hadda wax yar iska beddeshay tii hore ee 1990-maadkii oo lagu eedeeyey in ay fashay falal aad looga naxay.

Digniinta ku saabsan in kooxdu ay beegsanayso “caawiyayaashii reer Galbeedka” waxay ku timid dukumenti qarsoodi ah oo ay samaysay Xarunta RHIPTO ee Norwegian-ka ah ee Falanqaynta Caalamiga ah, oo xogaha sirdoon siisa UN.

“Waxaa jira shaqsiyaad aad u tiro badan oo ay hadda bartilmaameedsanayaan Taalibaan, hanjabaadduna waa mid cad,” ayuu Christian Nellemann, oo madax u ah kooxda ka dambeysay warbixinta, oo la hadlay BBC.

“Waxaa jiray qoraal ah, ‘haddii aysan isa soo dhiibin mooyee, Taliban in ay xidhi doonto oo dacweyn doonto, su’aalona weydiin doonto oo ciqaabi doonto xubnaha qoyska iyagoo matalaya shakhsiyaadkaas.”

Waxa uu ka digay in qof kasta oo ku jira liiska madow ee Taalibaan uu ku jiro khatar aad u daran, ayna dhici karto in dad badan la dilo.