Maamulka gobolka oo Muqdisho ka bilaabaya dhaqan-gelinta go’aanadii Golaha Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in uu dhawaan maamulka gobolka uu bilaabi doono dhaqan-gelinta go’aanadii kasoo baxay Golaha Wasiiradda ee Mooto Bajaajta.

Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la wadaagay wareegto kasoo baxday maamulka gobolka ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in maamulka gobolka uu bilaabi doona midabeynta Mooto Bajaajta, iyada oo laga dhigayo A iyo B.

Saalax ayaa sheegay inay si rasmi ah u bilaaban doonto dhaqan-galinta go’aanada cusub laga bilaabo maalinta Isniinta ee 24 bishaan April 2023-ka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu faray dhammaan milkiilayaasha iyo shirkadaha Mooto Bajaajta in ay iska diiwaan-galiyaan, goobaha maamulka gobolka iyo dowladda Hoose ee Xamar ay u asteeyeen diiwaan-galinta Mooto Bajaajta.

“Goobaha isdiiwaan-galinta lagu sameenayo waa sida tan; Xarunta Laasareeti ee degmada Cabdicasiis, Xarunta Gaadiidka ee dowladda Hoose ee Xamar ee degmada Warta Nabadda, Xarunta Saldhigga Galbeed ee degmada Dharkenley,” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere.

Afhayeenka ayaa intaas kusii daray in maamulka uu tallaabo adag oo sharci ah ka qaadi doono cid alaale cidii u hoggaansami weysay amaradan kasoo baxay dowladda Hoose ee Xamar.

Golaha Wasiirada ayaa 30-kii March ee sanadkaan ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mooto Bajaajta, kaasi oo ka koobna 5 qodob oo lagu xaddidayo mootooyinka ku soo badanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Qaraarkan ayaa dhigaya in aan dalka laga soo dejin karin Mooto Bajaajta si kumeel-gaar ah iyo in la tiro koobo Mooto Bajaajta, sidoo kale loo sameeyaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B), shaqadaasi oo xilligaas goluhu fulinteeda u igmaday maamulka gobolka Banaadir.