Daawo: Muqdisho iyo magaalooyinka dalka oo maanta si weyn looga ciiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya maalinta koowaad ee Ciidul-Fidriga, ayada oo inta badan salaadda ciida lagu dukaday goobaha fagaaraayaasha.

Magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa goobihii lagu dukaday salaadda ciida, oo qaarkood ay bulshada dukashada salaadda ciida kala soo qeyb-galeen madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa saxmad ahaa saaka waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo indhahaaga ay qabanayeen caruur iyo waalid gacanta haya oo u socda goobaha loo diyaariyay ciida iyo tamashleynta.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciidda, kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta iyo howl-wadeennnada dowladda.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah.
Xasan ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, oo xaqiijiyey amniga dalka muddadii lagu gudajiray bisha Ramadaan.
Sidoo kale waxa uu dul istaagay ahmiyadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay farxadda Ciidda deeq siiyaan dadka danyarta ah, ayaa Alle ka baryey in dalkeenna uu ku mannaysto naxariis, horumar iyo barwaaqo.

Dhinaca kale, waxaa saaka shacabka magaalada Hargeysa kala qeyb-galay dukashada salaada Ciida madaxweynaha Somaliland oo kumanaan shacab ah kula dukaday Masjid Jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, siyaasiyiin iyo xildhibaanno, wuxuuna madaxweynaha u jeediyay khudbad uu bulshada ku boorinayay adkeynta amaanka iyo sidii looga wada-shaqeyn lahaa amniga guud ee Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay xal nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda sii daba-dheeraaneysa.

“Cibaadadii Soonka laheyd ee Qur’aan akhriska lahaa ee Ducada lahaa ee Taraawiixda iyo Taajudka lahaa Ilaahay hanaga aqbalo. Colaad ayaa jirta ee Ilaahay colaadda hanaga damiyo. Reer Somaliland coladaas bilowgii illaa maanta nabad unba u hayna,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Si kastaba, Munaasabadda Ciidalul-Fidriga ayaa si weyn looga dabaal-degay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemaya saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay iskugu imaadan dadku.

Hoos ka daawo muuqaalada