DF oo war cusub kasoo saartay saraakiil dowladeed oo laga soo xiray garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay inuu maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay shan saraakiil dowladeed ah oo ciidamada booliska ay shalay kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Shanta eedeysane ayaa ka kala tirsan xafiisyo dowladeed oo kala ah; Xisaabiyaha Guud, Wasaaradda Maaliyadda, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Bangiga Dhexe oo dhamaantood ka howl-galyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa waxa uu sheegay in maxkamadda gobolka Banaadir ay xabsiga u dirtay shanta eedeysane, iyada oo tixgelinaysa codsiga xafiiska, si loogu sameeyo baaritaan dheeraad ah, loogana gun-gaaro kiiska si waafaqsan habraaca sharci.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa ka go’an horkeenida sharciga qof kasta oo lagu soo qabto fal-dambiyeed, waxa uu digniin u dirayaa dhamaan saraakiisha dowladda inay ku kacaan falal baalmarsan sharciga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xeer Ilaaliyaha Guud oo sidoo kale loogu digay masuuliyiinta dowladda.

Xafiiska ayaa ugu dambeyntiina waxa uu bogaadin u diray hay’addaha amniga oo uu sheegay inay shaqo fiican ka qabtay howl-galka kiiskaan, walina ku howlan daba-galka qeybo kale oo kamid ah shabakadaan.

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa shalay kasoo xiray shanta eedeysan ee ah saraakiisha dowladeed garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen shanta eedeysane ee u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.

Si kastaba, waa tallaabadii ugu horreysay ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Madamuud u qaado la dagaalanka musuq-maasuqa, kadib isbeddalkii dalka ka dhacay 15-kii May ee sanadkii hore ee 2022-kii.