Muuse Biixi oo war cusub kasoo saaray dagaalka Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in aan marnaba la badali karin xadka Somaliland.

Madaxweynaha oo saaka salaadda Ciida la dukaday shacabka Hargeysa ayaa khudbad uu ujeediyay waxa uu ku sheegay in xadka Somaliland uu lamid yahay xadadka kale ee Soomaalida iyo Afrika ee uu jeexay isticmaarkii, taasi oo uu ula jeedo in marnaba Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool aysan ka go’i karin maamulkiisa.

“Suurta-gal maaha shantii Soomaaliyeed ee isticmaarku qaybiyay ee Afrika lamid ah, xadkii Somaliland ayaa la badalayaa oo hab qabali ah loo badalayaa. Ninka Kenya jooga ama ka Itoobiya jooga iyo kan Kenya jooga iyo ka Somaliland ayaa afarta xadba baabiinaya,” ayuu yirii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay in xal nabadeed lagu soo dabaalo colaadda sii daba-dheeraaneysa ee Laascaanood.

“Reer Somaliland colaadda Laascaanood bilowgii illaa maanta nabad unba u hayna,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in Somaliland ay dhankeeda diyaar u tahay soo afjarida dagaalka Laascaanood ee qaatay muddo ku siman saddex bilood.

Muuse Bixii ayaa waxa uu dhinaca kale ee isku hayaan xarunta gobolka Sool, oo ah Isimida SSC ee ku sugan Laascaanood ay dhankooda qaatan doorka nabadeed ee diyaarka u tahay xukuumadda Somaliland.

“Waxaa ku baaqaya in colaadda Laascaanood wada-hadal lagu dhameeyo. Dagaalka Laascaanood waa kugu dhimay oo ka dhimay,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qiray in dagaalka socda uu khasaare naf iyo maalba leh soo gaarsiiyay labada dhinac.

Ugu dambeyntiina waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland ay dhibaato ku hayso dadka reer Laascaanood, “Somaliland ma dhibaataynin reer Sool oo xoriyad ayay ku noolaayeen, waxaa jira dad faafinaya in Somaliland ay cabudhisay reer Sool taasi oo aan run ahayn.”

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay iska soo daba-dhacayaan baaqyada ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood, islamarkaana ay xiisadda dagaal ee halkaasi ka taagan ay u muuqato mid faraha kasii baxeysa.

Si kastaba, dagaalka ka socda Laascaanood ayaa galay bishii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaaladaas oo shacabkii ay ka barakaceen.