Madaxweyne Xasan Sheekh oo codsi muhiim ah u diray shacabka + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciidda, kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta iyo howl-wadeennnada dowladda.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay shacabka kasoo qeyb-galay Salaadda Ciidda aya ka dalbaday shacabka reer Muqdisho inay si buuxda u garab istaagan howl-gallada ay ciidamada ka wadaan caasimadda iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Rag iyo Gabdho ayaa u taagan oo habeen iyo maalin u taagan oo nolol adag ku nool. Ciidankeeda macno ayay bixiyeen ee yeyna dayacin oo la shaqeyno, iyaga ayaa u taagan inay cadowga wajahaan oo u dhintaan bulshadooda Ilaahay kheyr ha siiye.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in dowladdiisa ay dadaal badan ku bixisay amaanka Muqdisho, oo muddooyinkii u dambeeyay kasoo hagaagayay sidii hore, kadib markii dib u habeyn lagu sameeyay ciidanka ka howl-gala caasimadda.

“Dowladda dadaal badan ayay ka gashay sidii ay caasimadda amni u noqon laheyd oo uga ilaalin laheyd Khawaarijta dhibta badan ee aan waxba noo reebayn,” ayuu yiri madaxweynaha.

Waxa kale oo madaxweynaha ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, “Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan waxaan kula dardaarmaya in la is-cafiyo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baraarujiyey dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqamada wanaagsan ee lagu dadaalayey muddadii lagu guda jiray Bishii Ramadaan, kuwaas oo xoojinaya is-caawinta bulshada, walaalnimada iyo hufnaanta nafta.

Hoos ka daawo muuqaalka