Maamulka HirShabelle oo dhisay maxkamad Islaami ah oo sharrcada ku dhaqanta

Jowhar (Caasimada Online) – Maamulka HirShabelle ayaa maanta ku dhowaaqay dhismaha maxkamad Islaami ah, oo xukunada ku fulin doonta shareecada Islaamka.

Wareegto ka soo baxday madaxweynaha HirShabelle Cali cabdullaahi Cosoble, ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha Racfaanka Maxkamadda magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan.

Magacaabista Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in ay ka dhalatay dhibaato ka taagan Garsoorka magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo sidoo kale la magacaabay xubno kale oo maxkamadda racfaanka ka mid noqonaya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa loo magacabay Sheekh Ibraahim Xassan Cali,halka Guddoomiyaha Maxkamada degmada Baladweyne loo magacabay Sheekh Rooble Yuusuf Nuur.

Hoose ka aqriso wareegtada Madaxweynaha Hirshabelle