Maamulka Koonfur Galbeed oo soo fara-geliyay xiisadda Baraawe, xilkana ka qaaday…

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo fara-geliyay xiisad xooggan oo ka taagneyd degmad Baraawe, taasi oo salka ku haysay khilaaf ka dhex qarxay maamullada degmadaasi.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu xilkii ka qaaday guddoomiyihii degmada Baraawe Mudane Liibaan Abuukar Cusmaan iyo ku-xigeenkiisa labaad Marwo Sahro Abuukar Cali.

“Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Koonfur Galbeed markii tix-geliyay wada shaqeyn la’aanta Golaha Deegaanka Degmada iyo maam6lka degmada Baraawe, waxa uu ka qaaday Mudane Liibaan Abuukar Osman xilka Guddoomiyaha Degmada Baraawe,”

Xilka guddoomiyaha degmada Baraawe ayaa waxaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay Mudane Cumar Sheekh Cabdi Shafana, oo xilkaasi hayn doona inta ay golaha deegaanka degmada Baraawe ka soo dooranayaan guddoomiye cusub.

Sababta u weyn ee xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Baraawe iyo ku-xigaankiisa labaad ayay wasaaradda ku sheegtay wada shaqayn la’aanta golaha degaanka Baraawe iyo maamulka degmada Baraawe.

“Waxaa uu dhamaan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, kan degmada Baraawe iyo dhamaan laamaha amniga degmada Baraawe faraaya in ay fuliyaan dhaqan-gelinta wareegtadan,” ayaa sidoo kale lagu yiri warqadda xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Baraawe.

Tallaabadan ayaa imaneysa kadib markii golaha deegaanka degmada Baraawe ay dhawaan mooshin xil ka qaadis ka soo gudbiyeen guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa labaad.

Golaha ayaa horey guddoomiyaha xilka laga qaaday ku eedeeyay inuu isku koobay awooddii maamulka, uuna dhegaha ka furaystay eedemo loosoo jeediyay, ayada oo muddooyinkii ugu dambeeyay magaalada uu hareeyay is qab-qabsiga maamulka.