Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo mar kale xalay ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo laga dareemay xaafadda Israac ee gudaha magaaladaasi.

Taliye ku xigeenka booliska gobolka Nugaal oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay sida uu ku bilaabmay dagaalka oo qaatay ku dhawaad saacad, wuxuuna sheegay in dagaalka uu dhexeeyay ciidamada amniga iyo koox hubeysan oo tegtay saldhigga Israac.

Wuxuu sheegay nin marka hore dhacdada ay ka bilaabatay shil gaari oo ay geysteen kooxda hubeysan, kadibna ay isku dayeen inay khalkhal-geliyaan saldhigga.

“Dhacdada aad aragteeN ee ka dhacday saldhigga israac waxay marka hore ku bilaab matay wiil la dhaawacay niman cabsan oo sarqaan ah baa gaari iyaga oo xowli ku wado ayaa gaarigii ka horeeyay futada kaga dhaceen haddii ay ku dhaceen baa hadane ninkii gacan qaad kale loo geystay waa la dhaawacay saldhigga ayaana la keenay” ayuu yiri.

Sidoo kale  wuxuu ku daray inay gurmad ciidan dalbadeen, kadibna uu dagaalka sidaas ku billowday, balse ay is difaaceen ciidamada Booliska.

“Intaas kadib raggii watay isku dayeen inay khalkahl geliyaan saldhigga, wayan u kala baxeen, iyaga oo leh maxaabiista waan sii deyneynaa, adigu ciidankii xabad baa dhex-martay iyo nimankii mooryaanta ahaa, kadibna waxay dalbadeen gurmad gaari Tikniko ahbaa usoo baxay iyo gawaari kale, isla-markii annaga waxaan la xiriirnay madaxda ciidanka xukunta, iyagana ciidan ayaa laga soo daba diray qaybna dhex ayaa lagu qabtay, gurmadkii dambana iyaga oo halkaas xabad ka ridaya bay dib u celiyeen” ayuu sii raaciyay.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay dagaalkan, kaas oo uu soo gaaray dhaawac fudud, sida uu xaqiijiyay taliye ku xigeenka booliska gobolka Nugaal.

“Khasaaraha hal nin oo dhaawac fudud ah baa la’ii sheegay arrintuna sidaas ayay ku bilaabmatay” ayuu mar kale yiri taliye ku xigeenku.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Waxaa fidno ka taliskaa ama ka shaqeynaya amni darrada waa dadkaas ku xiriira muqaadaraadka inta u gurmaneysana waa inta la midka ah”