Shariif Xasan oo diiday qorshaha DF ee 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Shariif Xasan ee Koonfur Galbed ee Somalia Cabdiraxmaan Ibraahim Sate, ayaa ka hadlay Barnaamijka Hiigsiga 2016 ee iminka ka socda Somalia.

Sate ayaa sheegay in DF Somalia looga baahan yahay inay ka fiirsato Barnaamijkaasi, waxa uuna sheegay in Maamulka Koonfur galbeed uu taageersan yahay in Hiigsigaasi laga qeybgalsho Shacabka Soomaaliyeed, haddii ay suuragali weysana aysan ku qanci karin.

Waxa uu tilmaamay inay nasiib darro u arkaan in Hiigsiga lagu soo koobo kaliya Madaxda dalka loona baahan yahay inay ka muuqdaan Bulshada si uu yiri loogu guuleysto ujeedada laga leeyahay Shirarka.

Waxaa uu Sate intaa ku daray in meesha loo socdaa ay tahay rabitaanka Shacabka sidaa darteedna ay wanaagsan tahay in dadka matalaya Shacabka gaar ahaan Ururrada Bulshada Rayidka ay muhiim u yihiin ka qeyb galka Shirarka looga hadlayo masiirka dalka.

‘’Aragtida Hiigsiga 2016 wuu ka fogyahay kan ay aaminsan yihiin Madaxda Qaranka, waa lama huraan in shirarka ay qeyb ka noqdaan Ururada Bulshada hadii la waayana waxaa dhalankara dhaliilo ay qabaan bulshada, taasina Dowladu waa u khasaaro’’

Sate ayaa Madaxda DF ugu baaqay inay u dhaga nuglaadan shacabka oo ay qaatan talooyinkooda, isaga oona sheegay in qaabka ay hadda wax u socdaan aysan u muuqan mid lagu baahitiri karo shacabka.

Ururada Bulshada Rayidka ayaa intii uu socday Shirka ku dooday in aan laga qeyb gelinin Shirkaasi,waxana ay sheegeen in dad gaar ah ay isku soo koobeen aayo katashigii dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com