XOG: Khilaafka Xasan Sheekh iyo baarlamanka oo sababay dib u shaqo u taala wasiir Odowaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Bishii Agoosto ee lasoo dhaafay ayay aheyd markii wasiir Odowaa uu ku dhawaaqay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose oo ah maamulka kaliya ee ka dhiman gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Xubnaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya dowlada federaalka ee dhanka mooshinka uu sababay dib u dhac ku yimid qorshahii maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee maamulka Hiiraan ayaa sheegay iney arimahaasi ku dhaliilayaan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo dib u dhac geliyay dalka, kadib markii xubnaha ugu sareeyo dalka ku mashquuliyeen mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya.

Sheikh Cismaan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in bisha soo socota ee October si wanaagsan loo gudo galo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe.

Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ayaa midba midka kale isku diyaarineysaa marti gelinta shirka, iyadoo wali wasaarada arimaha gudaha aysan ku dhawaaqin halka shirka lagu qabanayo.