24.6 C
Mogadishu
Wednesday, August 27, 2025

Maamulka PUNTLAND oo 72 saacadood u qabtay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa digniin adag kasoo saaray dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish, iyadoo 72 saacadood u qabtay dagaalyahannada ku sugan godadka togga Baallade.

Ciidamada amniga Puntland ayaa haatan si buuxda ugu hareeraysan togga Baallade, waxaana maamulka sheegay in firxadka Daacish u furnaanaysa oo keliya inay isa soo dhiibaan, si ay u helaan fursad badbaado.

Taliska ciidanka Puntland ayaa caddeeyay in xubnaha ka faa’iideysta fursaddan ay dowladdu dib ugu celin doonto qoysaskooda iyo deegaanadoodii ay ka yimaadeen. Daacish-ta Soomaaliya ayaa inta badan waxaa u dagaallama ajaanib si sharci-darro ah ku soo gala dalka.

“Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dagaalyahannada Daacish iyo cid kasta oo rabta inay isa soo dhiibto in ay muddo 72 saacadood gudahood ula soo xiriiraan ciidamada ammaanka Puntland. Naftaadu waa qaali,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska ciidanka.

Sidoo kale, maamulka ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara haddii xubnaha Daacish aysan u hoggaansamin inay isku soo dhiibaan dowladda. “Ma jiri doono meel looga baxsan karo ciidamada Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Fursaddan ayuu maamulka ku sheegay inay tahay middii ugu dambaysay oo ay xubnaha kooxdu uga badbaadi karaan go’doonka, maadaama ay hadda ciidamadu ku sugan yihiin badankoodii deegaanadii ay gacanta ku haysay Daacish, isla markaana ay hareereeyeen deegaannada firxadka u cararay.

Si kastaba, ciidamada Puntland ayaa dagaal naf-hur ah la galay kooxda Daacish, waxaana lagu guuleystay in laga saaro deegaano muhiim ah oo ay hore uga sameysteen saldhigyo tababar, iyadoo howl-galka lagu dilay dagaalyahannadii ugu badnaa ee ajaanib ah.

- Advertisement -

Read more

Local News