Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay qabashada doorasho qof iyo cod ah

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa si cad u sheegay in deegaanada Puntland uu ka qabanayo doorasho ‘qof iyo cod ah’, xili uu shalay khudbad ka jeedinayay furitaanka Shirweynaha urur siyaasadeedka xukuumadiisa ee Kaah.

Puntland ayaa hirgelisay hanaanka xisbiyada badan, oo uu madaxweyne Deni uu sheegay inay hiigsi u aheyd maamulkiisa, taasi oo ay Puntland ku taameysay tan iyo aas-aaskeedii.

Deni ayaa sheegay in maamulkiisu uu qabanayo doorasho ‘qof iyo cod ah’, taasi oo ka dhigan in dib loogu celinayo gacanta dadweynaha awooda ay ku dooran karaan madaxdooda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu si weyn uga mahad-celiyay maamuladii talada kaga horeeyay iyo guddiga doorashada oo uu sheegay inay iyaga laftigooda qeyb weyn kasoo qaateen sidii loo hirgelin lahaa hanaanka doorasho ee uu sheegay inuu ka hir-galayo Puntland, kaasi oo ah qof iyo cod.

“Duruufihii hore ee ay soo martay ayaa u saamixin inay fursadan oo kale helaan, taasi oo lagu hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah. Waxaan shacabka Puntland uga mahad-celinaya doorashadooda dhabata ah ee ay ku rabaan in dib loogu celiyo awooda doorasho” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Wuxuuna intaas sii raaciyay “Puntland waxay hormuud u noqon doonta dalka Soomaaliya isaguna inuu galo doorasho qof iyo cod ah”.

Hadalka Deni ee uu ku sheegayo inay deegaanada Puntland ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah, ayaa waxa uu kusoo aadaya xili uu kasoo horjeedo in doorashada dalka ee 2020/21 loo qabto hanaanka qof iyo cod.