Xog: DF Soomaaliya oo lala xiriiriyey olole ka billowday gobollo ka mida Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo xiisad siyaasadeed xoogani ay kala dhaxeyso Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax banaan Jamhuuriyada, ayaa lala xiriiriyey qorshe cusub ka bilowday gudaha Somaliland, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ka taagneyd xiisad ka dhalatay heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen xisbiyada mucaaridka ah iyo xukuumada Muuse Biixi, kaasi oo la sheegay in xal looga gaaray qabsoomida doorashooyinka.

Heshiiskaasi ayaa dhigaya in doorashadu ku qabsoomto sidii uu dhigayey Saami-qeybsigii hore, kaasi oo ay si weyn uga biyo diidanaayen qaar kamid ah beelaha dega Somaliland, oo u arkayey mid aan siineyn kuraastii ay xaqa u lahaayeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda federaalka ah oo u aragta xiisadaasi mid ay danaheeda uga faa’iideysan karta ay gudaha Somaliland ka bilwoday abaabul ‘kicin dadweyne ah’.

Mas’uuiyiintan ayaa sheegay in xubno ka tirsan dowladda federaalka oo deegaan ahaan kasoo jeeda Somaliland loo xil saaray fulinta qorshahaasi, kuwaasi oo wajigii u horeeyay ka billaabay gobolada galbeedka ee Awdal iyo Selel.

Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, qorshaha dowladda federaalka ayaa ah in warbaahinta la mariyo iyada oo lagu dhawaaqayo ‘midnimo’, taasi oo lagu lifaaqayo in xukuumada Biixi ay waxba ka qaban weyday cabashadoodii saami-qeybsiga, isla markaana ay rabaan midnimo haddii aan waxba laga badaleyn dulmiga ay Somaliland ku doodo inay uga soo go’day Soomaaliya, oo ay rumeysan yihiin inay iyaga laftigooda ka tirsanayaan xukuumada Muuse Biixi.

Sidoo kale qorshaha dowladda federaalka ayaa ah in gudaha Somaliland laga dhigo banaan-baxyo looga soo horjeedo xukuumadda iyo qabsoomida doorashooyinka, iyada oo lagu saleynayo dib u eegis la’aanta saami-qeybsiga.

Waxaana xusid mudan in deegaanada Somaliland laga dareemayo guux xoogan oo ka dhashay heshiiska ay gareen xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumaddu, kaasi oo aan xal muuqda laga gaarin saami-qeybsiga kuraasta.