Nin hubeysan oo dad ku laayey xarun mingiska lagu tumo oo ku taalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Nin hubeysan oo aan ilaa iyo hadda la garaneyn ayaa weeraray guri ku yaalla dagmada Warta Nabadda, waxaana halkaas ka dhacday dhimasho iyo dhaawac.

Wararka la helayo ayaa sheegaya iney korortay tirada dhimashada iyo dhaawaca uu sababay weerarkii halkaas ka dhacay.

ilaa iyo 5-qofood ayaa ku geeriyooday, sidoo kalana 15 kale ayaa dhaawac uu kasoo gaaray weerarka uu geystay shaqsi ku hubeysan qoriga AK47 sida ay dadka deegaanka u sheegeen Caasimadda Online.

Shaqsiga dhibka geystay oo aan la ogeyn cidda uu yahay iyadoo wararka qaar ay sheegeen inuu ka tirsan yahay ciidamada dowladda ayaa goobta isaga baxsaday.

Maamulka dagmada Warta Nabadda iyo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa halkaas gaaray kuwaas oo ku guda jira baaritaanka la xiriira arintaan.

Dhanka kale guddoomiyaha dagmada Warta Nabadda (Zeynab Xaabsey) oo goobta soo gaartay una warantay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegtay in gurigaan laga soo raray meel ka mid ah dagmada, balse maanta uu rabay inuu dib u bilaabo hawlahiisa shaqo.

Waxey sidoo kale sheegtay in hay’adaha ku shaqada leh ay baaritaan arintaan ku sameynayaan soona heli doonaan xaqiiqda dhacdada.