Maamulka SOMALILAND oo ka hadlay waxyaabaha lagu heesto Dr. Macow

Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababta loogu diidday in Takhtar Cali Macow Cali loogu diidday in uu ka howgallo xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Hargeysa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Cismaan Xuseen Warsame oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in markii baaritaan lagu sameeyay takhasuska ama heerka aqoontiisa Dr. Macow in ay soo baxday in laga joojiyo shaqada uu u yimid Hargeysa isla markaana dalka laga musaafuriyo sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay tan iyo markii laga joojiyay Dr. Macow howgalaha baaritaan ee yimid Hargeysa in maamulkooda ay u direen guddiga mihnadleyda caafimaadka Somaliland, kuwaasoo yiri “Dr. Macow wuxuu sheeganaayo ee ah in uu yahay Takhtar guud iyo in uu daweeyo dumarka ay tahay been abuur sidda uu hadalka u dhigay”

Waxaa kaloo uu sheegay agaasimaha in shaqsiyaad reer Somaliland ah oo deggan dalka Ingiriiska u soo gudbiyeen, warqad caddeenaysa xirfada Dr. Macow balse ma faah-faahin warqadda ay soo diteen jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska,

Dhinaca kale, qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa qoray in Dhakhtarka loo heesto eedeema uga yimid ka soo jeeda Waqooyiga oo ku nool London kuwaasoo yiri “Si xun ayuu noola dhaqmay Dr. Macow mana ahan Takhtar xirfadda uu sheeganayo leh”.

Si kastaba, Maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah u joojiyay howsha baaritaanka ee Dr. Cali Macow uu yimid Hargeysa waxaana ay ku amreen in uu magaalada ka baxo sidda u dhaqsiyaha badan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com