Wararkii ugu dambeeyay Baydhabo & qorshaha madaxweynaha oo hirgali la’

Baydhabo (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu hadda kulan la lee yahay odayaal ay iska soo dhex xusheen maamulka lixda gobal kuwaasoo la kulmaya madaxweynaha iyo wafdi la socda oo maalintii labaad ku sugan Baydhabo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari ayaa maanta la kulmay garabka uu hoggaamiyo Madoobe Nuunow ee maamulka lixda gobal, waxaana uu sheegay in la qaboojiyo xiisada ka taagan magaalada.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo odayaasha la soo xulay ayaa hadda soo aaday xarunta taliska AMISOM oo u dhow garoonka diyaaradaha Baydhabo halkaasoo ay weli ku sugan yihiin madaxweynaha iyo wafdiga la socda.

Odayaasha ka socda maamulka lixda koonfur ayaa ku adkeesanaya in maamulkooda uu yahay midka sharciga madaxda dowladda looga baahan yahay in ay aqoonsadaan.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda waxa ay rabaan in marka horre xiisada ka taagan magaalada la qaboojiyo kaddibna la hadalsiiyo labada maamul ee ka dhisan magaalada.

Magaalada waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan taageerayaasha maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com