26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Maamulka Somaliland oo mamnuucay diyaaradaha qaar kadib markii…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Garoomadeeda ay ka mamnuucday qaar kamid ah diyaaradaha kasoo dega.

Maamulka ayaa sheegay inay jiraan diyaarado dhowr ah oo si sharci daro ah uga soo daga Garoomada maamulka kuwaa oo la sheegay inay ka weecdeen sharciga Wasaarada Duulista Hawada Maamulka Somaliland.

Wasiirka Duulista Hawada Maamulka Somaliland Farxaan Aadan Heybe oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in diyaaradaha laga mamnuucay Garoomada maamulka ay yihiin kuwa aan laheyn rusqada.

Wasiir Heybe waxa uu sheegay in Madaxda Shirkadaha duulimadyada ee mararka qaar diyaaradahooda ka soo dejiya Garoonka diyaaradaha ee deegaanada Somaliland uu xukun ku dhici doono.

Wasiir Heybe waxa uu sheegay in diyaarad aan ruqsad ka heysan Somaliland ee ka soo degtaa Garoomadooda ay talabo ka qaadi doonaan isla markaana amnigooda aysan damaanad qaadi karin.

Sidoo kale, waxa uu intaa raaciyay in maamulka Somaliland uu u madax baanan yahay Garoomada iyo Hawadeeda.

Geesta kale, Sharciga lagu mamnuucaayo diyaaradaha ayuu sheegay inuu saameynaayo dhammaan Shirkadaha isticmaala Garoomada maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News