Maamulka Warsheekh oo shaaciyey tallaabo ay qaadi doonaan kadib dhacdadii xalay

Warsheekh (Caasimada Online) – Maamulka degmada Warsheekh ayaa si kulul uga hadlay weerar lagu laayey dad isku qoys ahaa, kaasi oo maleeshiyaad hubeysan ka geysteen duleedka degmada Warsheekh oo dhacda dhanka xeebta ee gobolkaasi.

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka degmada Warsheekh, Xasan Xaaji Darafeey ayaa ugu horeyntii sheegay in ka maamul ahaan ay aad uga xun yihiin falkaas, wuxuuna sheegay inay wadaan baaritaan la xiriira dadka ka dambeeyay dilkaas.

“Dadka la dilay waa dad Shacab ah oo degan deegaanka Xaluule, waqtiga ay wax dhacayeen waxay aheyd abaaro sagaalkii habeenimo. Dadyowga waxaas geystay waa lasoo wadaagi doona marka ay soo dhamaadan baaritaanada.”

Sidoo kale waxa uu carabaabay in dil wadareedkan loo geystay dad isku qoys ah ay salka ku hayso aanooyin qabiil, islamarkaana ay cadaaladda marsiin doonaan dadkii ka dambeeyay.

Waxa uu sheegay in maamul ahaan ay go’aan ka gaari doonaan falalka la xiriira aanooyinka qabiil oo muddooyinkii dambe kusoo noq-noqday Warsheekh iyo deegaamada hoos yimaada, sida uu sheegay guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Warsheekh.

“Deegaanka wey ragaadiyeen aanooyinka qabiil oo inbadan soo laab-laabteen, waxay u baahan tahay in gundhig laga sameeyo oo sharciyo adag laga soo saaro. Marka gacanta ku soo dhigno dadka gacan ku dhiiglayaasha waxaa lagu fulin doona Shareecada Islaamka.”

Dadka la laayey ayaa ku sugnaa hal goob, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Safiya Sheekh Abuukarow, Abuukar Iidow, Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi Celi iyo Sangaabo Maxamuud Xuseen.

Maleeshiyaadka dil wadareedkan fuliyey ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, kadib dhacdadaasi aragagaxa leh ee ay ka geysteen nawaaxiga Warsheekh.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadaysa, ayada oo dhowaan heshiis rasmi ah laga gaaray colaad beeleed maalmihii ugu dambeeyey ka taagneyd gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan duleedka degmada Cadale, taasi oo uu dhameystirkeeda goobjoog ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo lagu ballamay in qofkii dil geysta sharciga la geeyo.