BANKIGA ADDUUNKA oo shaaciyay heerka kororka dhaqaalaha SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka sanadlaha ee uu soo qaban-qaabiyo Bangiga Adduunka ayaa maanta lagu soo bandhigay warbxinta dhaqaalaha Soomaaliya, kaasi oo uu ka qeyb-galay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diyaariyay, taasi oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay boqolkiiba 2.9 sanadkii 2021 marka loo eego sanadkii ka horreyay ee 2020.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka si loo gaaro horumar la taaban karo.

“Waxa aan maanta shir Guddoomiyay kulan uu soo qaban-qaabiyay Bangiga Adduunka oo lagu soo Bandhigay Warbxinta Dhaqaalaha Soomaaliya (Economic Outlook). Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkasta oo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo caalami ah,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa naga go’an (ka xukuumad ahaan) inaan xoojino barnaamijkeena dib-u-habaynta hannaanka.”

Warbxinta Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ee la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu xusay in dhaqaalaha Soomaaliya uu horumar iyo korar uu sameeyay sanadkii hore, iyada oo ay jiraan caqabado dhowr ah.

Sidoo kale waxaa warbixintaan lagu xusay in abaaraha ba’an ee qeybo badan oo dalka ka jira ay dhaqaalaha samayn xoogan ku yeesheen.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay horumar ka sameysay dhanka dakhliga gudaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka,” ayey tiri Kristina Svensson oo ah Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya oo ugu dambeyntiina hadal ka jeedisay shirkaan.