Sheegashooyinka NISA oo su’aalo xooggan la geliyey kadib weerarkii Villa Rays

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa su’aalo ka keenay waxqabadka ay toddobaadyadii dhowaa sheeganeysay hay’adda NISA kadib markii Al-Shabaab ay weerartay hotel dhowr tallaabo u jira madaxtooyada qaranka. 

Weerarkii lagu qaaday Hotel Villa Rays ayaa muujiyey gaabis amni oo xooggan oo jira, wuxuuna dhaliyey su’aal ku saabsan sida hay’adaha amniga uga warheli waayeen in Al-Shabaab ay soo galaan aag si weyn amnigiisa loo sugo. 

Wuxuu yimid xilli warbaahinta gudaha toddobaadyadii dhowaa loo qeybinayey war-saxaafadeedyo kasoo baxay dowladda oo lagu sheegayey in NISA ay fulisay howgallo lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, howlgalladaas oo badankood ka dhacay meelo ka baxsan caasimadda. 

Hase yeeshee xildhibaanada federaalka qaarkood ayaa hadda is-weydiinaya sax ahaanshaha sheegashooyinkaas iyo sida hay’adda ay xog uga heshay Al-Shabaab dhexdooda, haddiiba ay ogaan weysay Shabaab ka howlgalaya meelo u dhow madaxtooyada. 

Xildhibaanadaas waxaa ka mid ah Dayax Axmed Cumar oo qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Isha sirdoonka ee Ceeldheere, Buraale iyo melaha kale xogta ka keena ee madaxtoyada aan ka warqabin ayaan la yaabay, ii dheh waaye cajiib ah.” 

“Mahad Salaadka NISA hadda ma waxow na dhihi donaa xayaysiis ayaan amniga ku sugayaa iyo Al-Shabaab diyaarad ku dil, cajiib,” ayuu xildhibaanka ku yiri qoraal kaas kasii horreeyey. 

Su’aalaha xildhibaanka ayaa imanaya ayada oo hore NISA loogu eedeeyey inay lacag ku siineyso warbaahinta qaar in loo sameeyo xayeysiin, halkii waqti iyo dadaal ay ku bixin laheyd inay hesho xog amni oo dalka badbaadin karta. 

Waxaa dadka eedeyntaas soo jeediyey ka mid ah guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga gobolka Banaadir Cali Yare Cali.

“Safarada shaqo ee Sirdoonka qaranka saxaafadda lagama xayeeysiiyo waana farqiga udhexeeya Hey’ad Sirdoon iyo Shirkad ganacsi oo xayeeysiis loo sameeynayo si ay macaamiisheeda ugu sheegto adeeg dheeri ah oo ay dalka keentay,” ayuu yiri Cali Yare oo tixraacayey safar uu agaasimaha NISA Mahad Salaad ku tegay Masar, dabayaaqadii October.