Maamullada Jubaland iyo Puntland oo arrimo xasaasi ah kala hadlay B/Caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa kulan ay magaalada Muqdisho kula yeesheen wasiiro ka tirsan Jubaland iyo Puntland xubno ka socda Beesha Caalamka, loogana hadlay arimo xasaasi ah.

Kulanka ayaa waxaa si gaar ah Beesha Caalamka u la yeeshay wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Jubbaland, Xirsi Jamac Gaani iyo wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda dowlad goboleedka Puntland, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cismaan.

Labada wasiiru dowle ayaa la kulmay wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan, Safiirka UK Ben Fender, Safiirka Maraykanka Amb, Donald Yamamoto iyo Safiirka Midowga Yurub ee u qaabilsan Soomaaliya, Nicolas Berlange.

Sidoo kale waxa ay ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin kobcinta dhakhliga gudaha, dayn cafinta Soomaaliya, deeqaha adduunku ugu deeqo Soomaaliya, horumarka laga sameeyey dib u habeynta hannaanka Maaliyadda iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

Waxa kale oo ay isla soo qaadeen labada dhinac  arrimaha siyaasada Soomaaliya ee xiligaan taagan, gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021-ka.

Ilo ku dhow shirka ayaa sidoo kale u sheegay warbaahinta in xubnaha Beesha Caalamka ay ballan qaadeen inay taageero u fidin doonaan maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Si kastaba ha’ahaatee hoggaamiyeyaasha labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland ayaa maalmahan ku sugan Muqdisho, iyaga oo u joogo shirka wada-tashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo looga hadlayo doorashooyinka ee soo socda.