Macalimiin Subac ku jiray oo lagu laayey degmada Cadale

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aynu ka heleyno Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka weerar lagu laayey Macalimiin Dugsi Qur’aan uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Weerarka oo ay fuliyeen rag hubeysan oo aan weli la garan heybtooda ayaa ka dhacay duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kooxda weerarka fulisay ayaa bartilmaameedsatay goob ay ku sugnaayeen Macalimiinta, xilli ay ku jireen Subac ama Quraan aqris.

Ugu yaraan 5 Macalin ayaa ku dhimatay halkaasi, sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray, Sheekh Daahir Xasan Cali, Macalin Maxamuud Canbuure, Macalin Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe, Macalin Mukhtaar C/laahi Cilmi iyo Ow Muxumud Xasan Cali.

Sidoo kale wadaadada la laayey ayaa waxaa ka mid ah labo Macalin oo walaalo ahaa, kuwaas oo kala ah, Sheekh Daahir Xasan Cali iyo Ow Maxamuud Xasan Cali.

Macalimiinta la dilay ayaa Salaada subax ka hor bilaabay Subaca, salaada ka dibna markale ku laabtay Qur’aan aqriska, waxaana kadib sidaasi ku leysay dableyda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhacdadaas ay salka ku heyso arrimo la xiriira aano Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Cadale iyo HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii degmada Warsheekh aano Qabiil darteed loogu dilay Oday ku dhowaad jira 100 sano, falkaas oo lama filaan ku noqday dad badan oo Soomaaliyeed.