Madax goboleedyada oo isku aragti ka noqday inta badan qodobada la isku hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Muqdisho ka socda ayaa soo sheegaya in dhamaan Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka ay isku aragti ka noqdeen inta badan qodobada la xiriira.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in kulamo gaar ah oo ay dhinacyadu qaateen ay isku aragti ka noqdeen arrimaha doorashada waxaana aragti keli ah qaba madaxweyne Farmaajo, Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyihii Cumar Finish.

Dhamaan Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada dalka ayaa markaan isku fahmay in siyaasad mideysan ku qaabilaan Madaxweynaha Soomaaliya kadib markii Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ka fogaadeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in qodobada ay isku raacsan yihiin maamul goboleedyada ay ka mid tahay in la yareeyo tirada ergada codeyneysa, in meesha laga saaro hanaanka xisbiyada iyo in doorashadu ay ka dhacdo hal magaalo.

Dhammaan qodobadan ayaa u muuqda kuwa hal ujeedo laga leeyahay oo ah in maamul goboleedyada ay doonayaan inay kaalin muuqata ku yeeshaan xildhibaanada cusub.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madax goboleedyada ay doonayaan in awood dheeri ah laga siiyo maamulka doorashada, halka dowladda ay dooneyso in loo madax baneeyo guddiga doorashada.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in tani ay horseedi karto in Madaxweyne Farmaajo uu tanaasul badan sameeyo, six al loo gaaro.