Weerar iyo dagaal is-xigay oo ka dhacay Boorama iyo wararkii u dambeeyay

Boorame (Caasimadda Online) – Wararka aanu ka helayno gobolka Awdal ee Somaliland ayaa sheegaya in maanta weerar ka dhacay duleedka magaalada Boorama, kaasi oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday bar kantarool oo ku taala duleedka Boorama, kaasi oo ay ku sugnaayeen Askar ka tirsan ciidamada Somaliland, halkaasi oo uu dagaal xoogan ku dhex-maray labada dhinac.

Ciidamadii ku sugnaa goobta la weeraray ayaa iska caabin xoog leh kala hortagay maleeshiyadii soo weerartay, sida uu Caasimada Online u xaqiijiyey sarkaal sarre oo ka tirsan gobolka Awdal.

Dagaalkaasi ayaa waxa ku dhintay hal askari, halka labo kale ay ku dhaawacmeen ilaa inta la ogyahay, maadama uusan jirin war faah-faahsan oo labada dhinac kasoo baxay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkan ayaa daba socda maleeshiyo beeleed maalmihii u dambeeyay isku aruursanayay duleedka magaalada Boorama, kuwaasi oo cadaalo darro ka tirsanayay ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Awdal ayaa hore ugu baxay labo maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay duleedka Boorama, oo u dhaxeeyay muran dhuleed baahsan.

Waxaana weli taagan xiisada dagaal ee u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo maleeshiyo beeleedka isku urursaneysa duleedka magaalada Boorama, taasi oo si weyn looga dareemayo gobolka.