Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo si kulul ugu jawaabay Madasha Xisbiyada Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo u warramayey warbaahinta ayaa si kulul ugu jawaabay hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo dhowaan eedeymo culus u jeediyey madaxda dowladda federaalka Somalia.

Salaad Cali Jeelle oo lagu tiriyo siyaasiyiinta taageersan Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana banaanka ka difaaca dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Madasha Xisbiyada Qaran ay iska hor keeneyso Ummadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in hoggaanka Madasha ay doonayaan in xilligaan la galo qalalaase siyaasadeed oo hor leh.

Siyaasiga Salaad Calaad Jeelle oo hadalkiisa sii wata ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Madasha ee ahaa inay dhisayaan dowlad gaar ah, haddii aysan dowladdu ka shaqeyn arrimaha doorashada iyo deganaashaha dalka.

“Inaad colaad ugu baaqdo inay dadku kala tegaan oo ay is-fargaran waaayaan inaad dhiiro-geliso runtii waa arrin aad looga xumaado.” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in hadalladaas iyo digniinta aan loo meel-dayin ay ka dhalan karto cawaaqin xumo, loona baahan yahay in laga feejignaado.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ay si adag uga hadleen xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020 illaa 2021-ka, iyaga oo si gaar ah kali-talisnimo ugu eedeeyey Madaxweyne Farmaajo.