Maamulka Cadale ee oo war ka soo saaray macalimiintii subcinayey ee la laayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Goobjoog FM ayaa faah faahin ka bixiyey dhacdadii saaka lagu laayey Macaliimiita ee ka dhacday duleedka degmadaasi.

Muuse Ganey oo ah guddoomiyaha degmada Cadale ayaa xaqiijiyey in weerarkaas lagu dilay illaa 5 Macallin, xilli ay ku jireen Subac.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaano dheeri ah oo ku aadan falkaasi arxan darro ah, isagoona tilmaamay inay dhacdadaas salka ku heyso aano Qabiil.

“Mashaakil dhici jiray waaye, xogta waa maqli doonaa waa qabyo, arrin waa nagu badatay, waan ogaan doonaa, koley dad shicib waayey, dagaal beeleed waaye, dowlad ma aha, aano qabiil ayaan tuhunsanahay.” ayuu yiri guddoomiye Muuse Ganey.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Labada dhinac saraakiishooda iyo odeyashooda waa isla joogaan, macal dowlad goboleedka waa isla hadalany, annaga hadda ayaan u soconaa.”

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya maamulka iyo HirShabelle inay gacan ka siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ka jira halkaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saaka aroortii hore maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayee Culumo, islamarkaana rasaaseeyey, waxaana halkaas ku dhintay illaa 5 Macalin oo labo ka mid ah ay ahaayeen walaalo isla dhashay.

Si kastaba ha’ahaatee waxaa degmada Cadaale iyo deegaanada hoos yimaada marar badan ku soo laa-laabtay dagaal beeleedyo u dhexeeyo beelo wada daga deegaanadaas.