Maareeye iyo KHEYRE oo shirki golaha wasiirada isku dhaafsaday hadallo kulul

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye ayaa su’aal ka keenay qorsheyaasha xukuumadda Soomaaliya ee uu ka mid yahay, isagoo dhex galay bandhgiii xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre shirkii Golaha wasiirada ee uu kasoo qeyb galay Madaxweynaha.

Kadib bandhigii Guddiyada Golaha Wasiirada ee madaxweynaha hortiisa ayuu Wasiir Maareeye farta taagay isagoo mugdi geliyay Bandhigga, isagoo markii hadalka la siiyey su’aal la keenay sababta qorsheyaasha xukuumadda loogu soo dari waayey wadahadalka Somaliland, taasoo uu ku adkeysatay in la’aanteed aanay waxba ka qabsoomeynin qorsheyaasha kale sida doorashada.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa si degdeg ah hadalkii u qaatay oo u jawaabay Wasiir Maareeya isagoo sheegay in arrinta Somaliland ay tahay mid si gaara loo wajahayo, balse qorsheyaasha maanta lasoo bandhigay ay ahaayeen shaqo maalmeedka Golaha Wasiirada, wuxuuna Maareeye si toos ah ugu sheegay inay la wadaagayaan arrinta Somaliland.

Arrintan ayaa indhaha ka jeedisay bandhigga weynaa Ra’iisal wasaare Kheyre iyo xukuumaadiisa, waxayna bannaanka soo dhigtay in qaar ka mida Golaha wasiirada aysan ka war heynin qorsheyaasha xukuumadda.

Wasiirada kale ee xukuumadda ayaa hadaladoodu ahaayeen kuwo taageero iyo amaan ah oo madaxda sare loo jeediyey, waxaase si weyn uga duwanaa wasiir Maareeye opo jawigii goobta wax weyn ka bedelay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com