Dhageyso Xasan: Xiisadda Carabta lagama noqon karo dhex-dhexaad, mana fiicna sida Imaaraadka Carabta…

London (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee dalalka Carabta iyo mowqifkii Soomaaliya ay ka qaadatay ee dhex-dhexaadnimo

Wareysi u siiyey VOA ayuu Xasan Sheekh ku sheegay in xiisadda noocan oo kale ah aan dhex-dhexaad laga noqon karin, islamarkaana meel kasta oo aad raacdo ay dhinac dan ugu jirto, taasina ay tahay waxa ay dowladda Soomaaliya sameysay.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu hadalkiisa ku muujiyey in dowladda Soomaaliya ay la safan tahay dowladda Qatar, oo ay cidleysay xulufada Sacuudiga.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale dhaliilay qaabkii ay dowladda Soomaaliya ula macaamishay dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo sheegay in laga fiicnaa lacagtii malaayiinta dollar ahayd ee dowladda Soomaaliya ay Imaaraadka kaga qabsatay garoonka Aadan Cadde.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u wada baahan tahay Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar, iyo si gaar ah Turkiga, ayna muhiim tahay in la wada wanaajiyo xiriirkooda.

Dhinaca kale Xasan Sheekh ayaa ammaanay isbeddellada siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika, wuxuuna meesha ka saaray in dalalka Carabta ay saameyn ku leeyihiin.

Hoos ka dhageyso wareysiga Xasan Sheekh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com