Ehelka nin saaka lagu dilay Xamar oo soo saaray war ka duwan kii laga faafiyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Booliska ah ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka toogasho ku dilay Nin ku hubeysnaa Qori AK47 ah.

Ninkan oo dadka degaanka ay sheegeen in uu ahaa burcadda dadka dhaca oo ay dacwad ka gudbiyeen ayaa la dagaallamay Ciidamada Booliska,waxaana uu ku dhintay rasaastii dhexmartay.

Ninka la dilay oo xirnaa Tuutaha Guutada 14ka October ee ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa watay Mooto Bajaaj uu dhaca u adeegsanayay sida ay sheegeen dadka degaanka.

Ciidanka Booliska iyo Ninka hubeysan ayaa ku dagaallamay Xaafadda Ex Daalo ee Degmada Howlwadaag.

Haddaba Ehelka Marxuum Mukhtaar Ciribey Maxamed oo ah Askariga la dilay ayaa beeniyay in wiilkoodu ahaa tuug dadka dhaca.

Cabdullahi Ciribey Maxamed oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in walaalkiis uu ka soo baxay xaafadda Korontada ee Degmada Wadajir,kuna socday xaafadda Jamhuuriya ee Degmada Karaan.

C/llahi ayaa sheegay in walaalkiis Mukhtaar uu ahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka sidoo kalena ah taliyaha ilaalada Guriga Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

C/llahi waxaa uu sheegay in walaalkiis markii la dilayay nin dhar cad ah oo Baskoolad wata uu ku joojiyay agagaarka Isgoyska Black Sea qeybta Howlwadaag,kuna amray in uu hubka dhiibo.

Askariga ayuu sheegay in uu ka shakiyay ninka dharcadka ah sidaasna ku dhintay walaalkiis,isaga oo codsaday in dowladda ay arrintaas wax ka qabato.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalkiisa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com